Haasaawaha  waa hab ee ku sheekeestaan laba qof  si ee ugu gogol xaaraan guur.

 Asal ahaan haasaawaha waa qeyb ka mid ah nolosha aadamiga, mana ahan mid hada bilaabanaya ee  waa wax soo jireen ku ah  dhaqanka soomaalida, sidaas daraadeed ayaa jiilba jiil ka dhaxlaa si loo sii wado oo loo dar dar galiyo.
Sida la ogyahay wada socoshada waa mid ku leh door lama ilaabaan ah bulsho kastoo jirta, waana mida kaliya ee usuurto galineesa in ee isku bartaan labada qof ee wada socda, si uu u ogaado midba midka kale dabeecadiisa, waxa uu necbanyahay, waxa uu jecelyahay iyo caqligiisa heerka uu gaarsiisan yahay.
Haddaba sidee buu ku bilaaban jiray  haasaawaha  dhalintii hore iyo kuwa maanta jira ee soomaaliyeedshukaansi soomaali.jpg
Dhalintii hore shukaansigooda ayaa ku bilaaban jiray siyaabaha kala  duwan ee soo socota:
1. Daaqsiga xoolaha: waa marki ladaaqsin geenayo ariga iyo lo'da markaas ayee sheekeesan jireen
2. Dhaanka oo ahaa midka ugu fursada badan ee ku kulmi jireen, maxaa yeelay waxa loo dhaan tagi jiray meelo aad u fog fog oo mararka qaarkii loo socon jiray 1 maalin ilaa 2 maalin, inta lasii socdana lawada sheekeesan jiray, marki lasoo labanayana lasoo wada haasaawi jiray,sidaa daraadeed ayaa waxa aheyd  maah maah soomaaliyeed  ( nin aan  kuu furi doonin yuusan kuu rarin ) oo micnaheedu yahay,  ninka hadda kuu raray ratiga  hadduusan kuu fureen waxba ha isku daalin gabar yahay haasaawahiisa.
3. Shubitaanka xoolaha ee ku kulmi jireen ceelasha biyaha
4. Cayaaraha hidaha iyo dhaqanka,  taasna iyadana waxay aheed mid muhiimadeeda leh ee isku bartaan Barbaar aad u fara badan oo ka yimid Tuulooyinka isku dhaw dhaw, ciyaarta kadib ayaa wiil kasta sagootin jiray gabadha uu laciyaarayay, marki uu geeyana aqalkeeda uu la balami jiray.
5. Aqalka ee gabari ku nooshahay aalaaba ragga ayaa sahmin  jiray si ee ula haasaawaan 
inkastoo aan soo qaatay meelaha ugu muhiimsan uu ka curan jiray wada socoshada dhalintii hore haasaawahooda, kuwa maanta jirana shukaansigooda waxa uu ka biloowdaa meelo ka duwan kuwii hore waana sida soo socota;
1. Aroosyada.
2. Internet cafe yada.
3. Iskuulada.
4. Busteejada baabuurta.
5.  Safarada gaar ahan kuwa ee isla galaan dhalinyarada.
6. Suuqyada laga dukaameesto.
7. Casuumadaha.
8. Showyada la  qabto.
9. Hoteelada ama Diskoowyada.
10. Xafladaha soodhaweenta iyo kuwa sagootinta.
internet love .jpgWaxaa aad u kala duwan meelaha uu ka bilaaban jiray  dhalintii hore iyo kuwa maanta  haasaawahooda , taas ee ugu wacan tahay  dunida oo maanta iska badashay sidii hore ee aheed, kuna soo kordhay adduunka wax yaalo badan oo casri ah oo  fududeenaya wada hadalka uu ubaahan yahay shukaansiga.
Meelahaan aadka u badan aan soo sheegay ee isku bartaan dhalinyarada ayaa waxa ee isku siiyaan Teleefoonada iyo E-mail adress yada si ee iksula sheekeestaan barashada kadib sheekada halkaa kuma sii ekaato ee mid waliba waxa uu ku sameeyaa soo jidasho midka kale sidii uu u hanan lahaa qalbiga qofka uu bartay.
Hadaba intaasi ayaan kusoo afmeerayaa maqaalkayga, magafe waa Alle gafana waa Insaan, wixii talo iyo tusaalo ah iigu soo dira iimeelkayga oo ah [email protected]

Fursad  gaar u ah aqristayaasha www.silgor.com

Aqriste haddii aad jeceshahay in aad ka qayb qaadatid wax ku qorista websaytkani,  fursadani dahabiga ah ka faa'ideyso ee noosoo qor waxa kaa dhex guuxayo oo wanaag ah annagaa kaa gaarsiin doono.

 Qoralkaaguna noogu soo haggaaji cinwaankeena  ah:
 [email protected]


Add New Comment